4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2022
Gabar dhalinyaro ah oo Maanta iska soo tuurtay dabaq ku yaala magaalada Muqdisho
 

Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Duhurnimadii Maanta waxaa dabaq ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir iska soo tuurtay gabar dhalinyaro ah oo magaceeda lagu soo koobay Fartuun.

Gabartaan iska soo tuurtay dabaqa ayaa la sheegay in dhawaan uu kusoo booday xanuun lagu sheegay Jini, hayeeshee baraha bulshada waxaa lagu faafiyay in gabadhaani ay dabaqa isaga soo tuurtay Jeceyl dartiis.

Muqaal si weyn loogu dhex faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaayay gabadha oo kasoo boodeysa dabaqa, islamarkaana kusoo dhul dhaceysa dirin ay dhulka la taagnayeen dhalinyaro dhowr ah oo dooneysay iney ku badbaadshaan, hayeshee waxaa la xaqiijiyay in gabadha ay soo gaareen dhaawacyo jajab u badan oo dhanka lugaha iyo gacmaha ka gaaray.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay qoyska Fartuun oo la xariira sababaha rasmiga ah ee keenay in gabartooda iska soo tuurto dabaqaan ku yaalo xaafada Israac agagaarka buundada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horeysay oo gabar Soomaaliyeed ay iska soo tuurto dabaqyada ku yaala magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana sidaan oo kale sanadkii hore dabaq isaga soo tuurtay gabar kale oo dhalinyaro aheyd oo la sheegay in Jaceyl dartis dabaq isaga soo tuurtay.