4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 19, 2022
Taliye Odawaa Yuusuf "Howlgalka labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan waxa laga gaaray guulo aad u waaweyn”
 

Isniin, December, 19, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raagge ayaa si faahfaahaan uga warbixiyay howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Jenaraal Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya inay ku guuleysteen howlgalada ka socda gobolada Hiiraan, Shabeellaha iyo Galgaduud, kadib markii Al-Shabaab si awood ah looga saaray deegaano dhowr ah oo ka kala tirsan goboladaas oo ay Al-shabaab gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano.

“Howgallada kuma ekaanayaan goboladaan, mar waliba miisaanka howlgalku waxa uu saaran yahay meel, waxa aan dhihi karaa labada Gobol Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan waxa laga gaaray guulo aad u waaweyn” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay markii ugu horeysay sababaha keena in ciidanka dowladda ay ka baxaan deegaanada ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

"Howlgalku sidiisa ma aha in aad Tuulo kasta iyo Magaalo kasta oo tagtid inaad joogeysid, goobaha dagaalka qaar marka ciidanku gaaro waxaa loogu tala galay in ay ku nagaadaan, halka goobaha qaarkoodna loogu tala galay in cadawga ku sugan  laga saaro lana burburiyo” ayuu yiri Jenaraal Odawaa Yuusuf.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Julaay ee sanadkaan 2022-ka oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah ah Al-Shabaab ee kaasoo ka bilowday gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalooyinka Matabaan, Maxaas iyo Buulaburte waxaa marba marka ka dambeysa dagaalka ka dhanka ah Shabaab uu ku sii fidaayay gobolada kale ee Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo daris la ah gobolka Hiiraan.