4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2022
Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo ka hadashay cabasho kasoo yeertay ganacsatada Qaadka Miirowga
 

Khamiis, December, 1, 2022 (HOL) - Ganacsatada Qaadka ee magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya inay canshuurta ku kordhisay Qaadka Miirowga ah ee ka yimaada dalka Kenya.

Iskusoo bax ay sameeyeen ganacsatadu ayay ku sheegeen in qaadkii saakay waaberigii kasoo dagay garoonka Aadan Cadde uu weli ku xanniban yahay garoonka, kadib markii ay sheegeen in wasaaradda maaliyadda ay amartay in miisaan lagu canshuuro.

Ganacsatadu waxay warbaahinta u sheegeen inay qaadka ku canshuurtaan waxa loo yaqaano Marduuf, balse hadda waxay tilmaameen inay ka cabanaayaan in dowladdu ku amartay in canshuurta lagu bixiyo miisaanka culayska Qaadka.

Dhinaca kale, wasaaradda maaliyadda oo ka jawaabaysay cabashada ganacsatada Qaadka, ayaa ku eedeysay inay diideen inay dowladda kala shaqeeyaan canshuurta lagu salleeyay cabirka kiloo garaamka Qaadka.

Wasaaradda maaliyaddu waxay ku tilmaamtay nidaamkan inuu yahay halbeeg daah furan oo lagu cabiri karo canshuurta Qaadka, waxayna sheegtay in halbeeggaan uusan waxba ka beddelayn qiimihii canshuurta horey loogu qaadi jiray.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqa ganacsiga qaadka Miirowga ayaa maantay ahaa mid aad u yar, inkastoo galinkii dambe qeybo kamida Qaadka Miiroga lasoo fasaxay, lamase oga in ganacsadu qaateen awaamiirta dowladda kasoo baxay.