4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2022
Madaxweyne Mustafe Cagjar "Mar walba waan ka shaqaynaynaa inaan kasbano xubnaha Ururka ONLF"
 

Khamiis, December, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo mar wax laga waydiiyay arrinta Ururka ONLF iyo in xukuumaddiisu ay ka qayb qaadatay kala qaybsanaanta ka dhex jirta ONLF waxa uu sheegay in ONLF ay ku kala baxday markii ay degaanka yimaadeen ee ay nabadda qaateen qaabkii ay oola shaqayn lahaayeen dowladda, isagoo xusay in qayb kamid ah ONLF ay qaadatay fikir ah in dowladda ay la shaqeeyaan halka qaybtii kale ee ONLF ay qaateen fikir kaa kaduwan oo ah inay taageeraan cidda badali doonta dowladda, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Waxa kale oo uu sheegay Madaxweynuhu in xukuumaddiisu ay mar walba isku dayayso inay soo kasbato xubnaha Ururka ONLF ee mucaaradka ku ah dowladda, " Waan ka shaqaynaynaa inaan mar walba kasbano xubnaha Ururka ONLF, kuligoodba haddaan awoodno inaan kasbano waan ka shaqaynaynaa waa Shaqo nootaala oo Siyaasadda kamid ah", ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay Madaxweynuhu in kasbashada ay kasbanayaan dowladdu xubnaha ONLF aysan ka dhignayn in xukuumaddiisu ay diidan tahay Mucaaradka, balse waxa uu sheegay in xukuumaddu ay mar walba isku dayayso inay qanciso Mucaaradka, kuwii qanci waayana ay la tartamayaan, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Mucaaradka degaanka Soomaalida aan haba yaraatee loo diidin inay degaanka si xor ah uga dhaqdhaqaaqaan, isagoo yiri " Waxa sharcigu diidu umbaanu diidnaa ee lama diido inay inay isu soo baxaan oo ay Afkaartooda sheegtaan".

Waxa uu intaa raaciyay Madaxweynuhu in dowladdiisu ay ka hortagto wixii qalalaase iyo rabshad ah ee markaa ka dhex dhalan karta isu soo baxaa ay sameeyaan Mucaaradku, taas oo khalkhal galin karta amniga dowlad degaanka Soomaalida.

Gabagabadii Madaxweynuhu waxa uu sheegay in isaga iyo ONLF aysan fikiro badan ku kala duwanayn marka laga reebo magaca ay wadato ONLF oo Madaxweynuhu sheegay in markii horeba uu ONLF kaga soo horjeeday magacaas haddana kaga soo horjeedo, magacaas oo ah OGADEN oo ONLF ay wadato kana mid ah magaca Ururka.

ONLF iyo Xukuumadda Mustafe Cagjar ayaa muddo dheer xurguf ka dhaxaysay iyadoo ONLF ay xukuumadda degaanka Soomaalida ku eedayso in waxyaabo badan oo dhaqdhaqaaqooda ah ay ka hor istaagto xukuumaddu, sidoo kalena ay xukuumaddu marar dhawr ah ay xirtay qaar kamid ah Xafiisyada ONLF ee degaanka Soomaalida, waa siday hadalka u dhigaan Ururka ONLF.