4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2022
ATMIS oo war kasoo saaray gaadiidkoodka gaashaaman oo qof shacab ah ku jiiray Ceelasha biyaha
 

Khamiis, December, 1, 2022 (HOL) - Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ka tacsiyeeyay geerida wiil dhallinyaro ah oo deegaanka Ceelasha biyaha ay ku jiireen kolonyo katirsan gaadiidka ATMIS.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in sameeyeen guddi baaris ku sameeya dhacdada, kuwaas oo si dhow ula shaqeeynaya goob joogayaasha falka, dawladda Soomaaliya, iyo maamullada deegaanka si ay u baaraan shilka.

“Kolonyada ATMIS oo ku soo laabatay magaalada Muqdisho ayaa shil naxdin leh ku galay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaddib markii gaari nuuca gaashaaman uu jiray qof shacab ah,”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ATMIS.

Isla markii uu shilku dhacay dad shacab ah ayaa bilaabay in ay ku soo xoomaan kolonyada oo ay xidhaan waddada.

Maamulka Ceelasha biyaha, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa wada hadallo kusii daayay kolanyada gaadiidka.