4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay 40 katirsan dagaalamaayasha kooxda Alshabaab
 

Khamiis, December, 1, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah lagu dilay 40 katirsan kooxda Alshabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Cali Fool dheere oo katirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Dowladdu waxay sheegtay inuu howlgalkan qeyb ka yahay ciribtirka Alshabaab, iyo in la jaro dhaqdhaqaaq kaste oo ay isugu gudbi karaan Shabaab ku sugan Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.