4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2022
Yuusuf Dabageed: Xamar inaan baabuurkayga ku imaan karo waa guul weyn oo laga gaaray dagaalka Alshabaab
 

Khamiis, December, 1, 2022 (HOL) - Madaxeweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku guulaysteen inay isku furaan gobolada Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Banaadir.

Yuusuf Dabageed oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay ciidamadu hadda u jihaysanayaan xoraynta inta u dhaxaysa Masaajid Cali Galgaduud iyo Aadan Yabaal, halkaas oo uu sheegay inay Shabaabku ku dhuumaalaysanayaan.

Dhulka la xoreeyay ayuu madaxweyne ku xigeenku ku sheegay masaafo dhan 300km oo dherer ah. Wuxuu ku tilmaamay guul weyn oo laga gaaray dagaalka lagula jiro Alshabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay in gurmadka Muqdisho ka yimaada uu lug ku tago deegaannada la xoreeyay, halkii awal hore diyaarado lagusoo daabuli jiray.

“Meesha aan subixii kasoo tooso intaan kasoo baxaa ayaa Muqdisho baabuurkayga ku imaan karaa. Waxaa kaloo farxad iyo guul noo ah in ciidankii Matabaan dagaalka kasoo bilaabay ay maanta ku sugan yihiin xadduuda Shabeellada dhexe,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.