4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2022
Wasiirka horumarinta dowladda Ingiriiska oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

 

Khamiis, December, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan kula qaatay wasiirka horumarinta iyo arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wasiirka la wadaagay guulaha dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib-u-xoreynta dalka,  horumarinta dhaqaalaha iyo dolwad dhiska, ayaa xusay dadaalka xooggan ee dowladdu ay ku bixinayso xaqiijinta Soomaaliya xor ah, ammaan ah, isku filan isla markaana ka faa'iideysata fursadaha horumarineed ee caalamaiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell, ayaa bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka al Shabab iyo deyn cafiska.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda UK ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha iyo fududeynta in Soomaaliya ay hesho mashaariicaha horumarineed iyo kuwa lagula tacaalayo saamaynta isbaddalka cimmilada.

Wasiirka Horumarinta, ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Ingiriiska ay ka go’antahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]