Wasiirka horumarinta dowladda Ingiriiska oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Khamiis, December, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Villa
Soomaaliya kulan kula qaatay wasiirka horumarinta iyo arrimaha Afrika ee
dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo
taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wasiirka la wadaagay
guulaha dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib-u-xoreynta
dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo dolwad
dhiska, ayaa xusay dadaalka xooggan ee dowladdu ay ku bixinayso xaqiijinta
Soomaaliya xor ah, ammaan ah, isku filan isla markaana ka faa'iideysata
fursadaha horumarineed ee caalamaiga ah.
Dhankiisa, Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee
dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell, ayaa bogaadiyay guulaha dowladda
Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka al Shabab iyo deyn cafiska.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda UK ay door weyn ka
qaadan doonto gurmadka abaaraha iyo fududeynta in Soomaaliya ay hesho mashaariicaha
horumarineed iyo kuwa lagula tacaalayo saamaynta isbaddalka cimmilada.
Wasiirka Horumarinta, ayaa mar kale ku celiyay in dowladda
Ingiriiska ay ka go’antahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta
xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]