Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta fadhi ka yeelanaya cod u qaadista kalsooni siinta Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre uu dhawaan soo magacaabay.
newsinsideFadhiga Xildhibaanadda ayaa ka dhaci doona goordhaw xarunta Villa Hargeysa oo ku dhextaala madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ajendaha kulanka XIldhibaanada uu yahay kalsooni u qaadista Xukuumadda cusub ee labadii bishaan Agoosto uu ku dhawaaaqay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Kulanka marka uu furmo waxaa Xildhbaanada khudbad u jeedin doona Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka codsan doona Baarlamaanka Fedaraalka iney codka kalsoonida ah siiyaan Xukuumaddiisa cusub.
Wararka hordhaca ah ee soo gaaraya Shabakada HOL ayaa sheegaya iney u badan tahay in Maanta Baarlamaanka Soomaaliya uu codka kalsoonida ah siin doono Xukuumadda cusub, waxaana xusid mudan in wasiirada magacaaban ay Muqdisho ka dhex wadeen maalmihii u dambeeyey kulamo xod xodasho ah oo ay xildhibaannada uga codsanayeen inay meel mariyaan Xukuumadda cusub.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]