4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2022
Saraakiil iyo ciidamo lagu dilay weerar ismiidamin ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday xero ciidan oo ku taal deegaanka Kalabayr ee gobolka Hiiraan.

Xerada la beegsaday waxaa ku jiray ciidamada Gorgor ee Turkigu tababaray oo dhawaan la geeyey deegaankaas, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Tiro askar ah ayaa lagu dilay tiro intaas ka badanna waa lagu dhaawacay, sida ay wararku sheegayaan. Alshabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Taliyihii Xerada C/qani Subagle oo dhawaan ka soo laabtay tababar sare oo dhanka hoggaanka ciidamada ah oo uu ku soo qaatay dalka Turkiga.

Maamulka Hirshabeelle iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan.