Talaado, Agoosto, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay khadka taleefanka kula hadlay Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Xamad.
newsinsideMadaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Qatar uu uga tacsiyeeyay madaxweynaha dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Xayaat.
Dowladda Qatar ayaa madaxweynaha Soomaaliya u ballan qaaday inay gargaar caafimaad u fidin doonto dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Amiirka Qatar sida uu u garab taagan yahay Soomaaliya.
Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maalin ka hor sheegay inay dowladdu dalka dibbadiisa uqaadayso dhaawacyada xaaladdoodu culus tahay.