4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 19, 2022
Kumanaan qof oo ka qaybgalay aas abwaan Hadraawi loogu sameeyay Hargaysa


Jimco, Ogosto, 19, 2022 (HOL) - Waxa galinkii danbe ee Jimcaha maanta aas loogu sameeyay magaalada Hargaysa abwaankii wayna ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, oo duhurkii Khamiista isla Hargaysa ku geeriyooday isaga oo 79 sanno jir ah.

Kumanaan qof oo iskugu jira, abwaano, culimo, qoraayo, saxafiyiin, madaxda xukuumada Somaliland, madaxda axsaabta siyaasada, wufuud ka timid waddamada jaarka iyo dadweyne tirro badan, ayaa salaada janaasada abwaanka kaga tukaday xabaalah Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargaysa, oo lagu aasay.

Wariyihii hore ee BBC Somali Yuusuf Garaad Cumar oo ku hadlayay afka wariyayaasha Soomaaliyeed, ayaa Hadraawi ku sifeeyay qof ka dhintay qofkasta oo Soomaaliyeed, iyo qof suggaantiisu ay samayso qofkasta oo ay soo gaadho, iyo dhiirigaliye bulsheed.

"Hadraawi cid loo tilmaamayaa ma jirto, wuxuu ka dhintay qofkasta oo Soomaaliyeed, nin wuxuu ahaa suuggaantiisu ay taabato qof walba oo dhagaysta ama akhrista, nin wuxuu ahaa naxariis badan oo dabci wanaagsan oo dhalinyarada si gooni ah u dhiirgaliya" ayuu yidhi Garaad.

Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu Hadraawi ahaa halgamaa dulmi diid ah, isaga oo sheegay in uu geeridiisa dareemay qofkasta oo yaqaanay.

"Hadraawi waa qof ay tabeen dhamaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, waa qof la dareemay geeridiisa qofkasta oo yaqaanay ama Soomaali ha noqdaan ama yay noqone" ayuu yidhi Cirro. "Wuxuu ahaa abwaan, waxa uu ahaa mujaahid, waxa uu ahaa nin dulmiga neceb".

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in abwaanku uu qofkasta oo Soomaali ah naftiisa kala hadlay oo waanadiisu gaadhay, isla markaana uu qoys walba kamid ahaa.

"Hadraawi qofkasta oo Af-Soomaali ku hadlaba naftiisa ayuu kala hadlay, qof wal oo Af-Soomaali ku hadla iyo qoyswalbana kamid ayuu ahaa, labada walaalaha ah, waalid iyo labada is qababa murtidiisa mid waliba dhankiisa ayuu ka isticmaalayay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Hadraawi ayaa la aaminsanaa in uu ahaa abwaanka ugu taariikhda wayn suuggaanta Soomaalida ee casriga ah, waxaana suggaantiisa lagu turjumay afaf badan, waxaana loogu yeedhi jiray Somali Shakespeare miisaanka suuggaantiisa iyo cabqarinimadiisa awgeed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]