4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 19, 2022
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa oo socdaal ku tagay deegannada uu ka socda howlgalka ka dhanka ah Alshabaab
 

Jimco, Agoosto, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa hogaaminaya howlgallada lagula dagaalamayo Alshabaab, kuwaas oo ka socda deegaanada hoos yimaada degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in howlgaladaan ay socon doonaan ilaa laga ciribtirayo Alshabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay u midoobaan oo meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka alshabaab.

Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa dhinaca kale lagu soo dhoweeyay degmada Maxaas, wuxuuna socdaalkooda ku qotomay u kuurgalka xaaladaha nolosha dadka ku nool degmada maxaas oo aan wax isgaarsiin ah ka shaqeyn ku dhowaad seddex todobaad kadib markii ay jareen alshabab, taas oo sababtay in uu xirmo isu socodka ganacsiga degmada.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa kulamada kadib gargaar raashin ah u qeybiyay ku dhowaad 500 oo qoys oo danyar ah oo ku nool degmada Maxaas, kuwaas oo kusoo barakacay tuulada taadeen oo ay Alshabaab ka burburiyeen guryihii iyo ceelashii ay biyaha ka cabi jireen, sida ay Hirshabeelle sheegtay.