4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 19, 2022
Guddoomiye Cali Jeyte: Shabaab waa burburay, laakiin dadka falsafad ayay ku haystaan
 

Jimco, Agoosto, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay inay Alshabaab si weyn ugu jabeen howlgallo toban cishe qaatay oo uu sheegay inay kaga xoreeyeen deegaano badan oo ay ku sugnaayeen.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay inay Shabaab awooddoodii kagasoo hartay inay Qaraxyo ciidamada u dhigaan, wuxuuna sheegay inay soo ogaadeen inaysan Shabaabku awoodin inay ciidamada dagaal toos ah kaga horyimaadaan.

“Waxaan idin leeyahay, waryaada Shabaab waa gabbal dhacay. Filsafad baa la idinku haystaa. Midowgii Soofiyeeti soo ma burburin? Waan idiin dhaartaye, Shabaab waa burburay. Qofkii dullinimo ku noolaan lahaa iyo qofkii xorriyad ku noolaan lahaa, Shabaab waa burburay,” ayuu yiri Jeyte.

Cali Jeyte wuxuu sheegay inay gaareen deegaano badan oo uu sheegay inay Alshabaabku dadka ku dhibaatayn jireen. Wuxuu tilmaamay meelaha qaar inay kusoo arkeen ceelashii oo la aasay iyo gurihii shacabka oo la gubay.

Jeyte ayaa bogaadiyay ciidamada mucaasleyda oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaateen dib u xoraynta deegaannada gobolka Hiiraan. Wuxuu dhaliilay doorka dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ciidamada lasiiyo qalabayntii ay u baahnaayeen.