4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 19, 2022
Gaalkacyo: Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa
 

Jimco, Agoosto, 19, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, ayaa gacanta kusoo dhigay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa iyo raggii la socday, sida ay laamaha amnigu saaxaafadda u sheegeen.

Gaarigan qaraxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu soo qabtay deegaanka Dagaari oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed uga beegan magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidamadu ku raad joogaan rag kale oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin qaraxan.

Taliyaha saldhigga dhexe Gaalkacyo ee Galmudug, ayaa sheegay inay soo bandhigidoonaan gaariga qaraxa siday iyo halka uu ahaa bartilmaameedkiisa.

Waa gaarigii labaad oo qarax siday oo lagu qabto meelo katirsan gobolka Mudug. Dhowaan ayay ahayd markii degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee Puntland lagu qabtay gaari Dhayne ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, gaarigaas oo kusii jeeday dowlad deegaanka Somalida.

Ciidamada Puntland oo qabatay gaarigaas weli saxaafadda looma soo bandhigin xogtiisa rasmiga ah, inkastoo masuuliyiinta gobolka Mudug ay soo bandhigeen qeyb kamid ah waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagusoo raray gaarigaas.