4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 19, 2022
Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen 17 ka tirsan Al-Shabaab, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee gobolka Hiiraan
 

Jimco, Agoosto, 19, 2022 (HOL) - Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in 17 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay Khamiistii shalay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Hiiraan.

Sida laga baahiyay Idaacada ku hadasha afka ciidamada, milatariga Soomaaliya waxay xoojiyeen hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab, waxayna gacanta ku dhigeen Ceel la Helay, Qasaalay, Nuurfanax, iyo Buur Gabo oo ka tirsan Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Ciidanka XDS ayaa kordhiyay bilihii la soo dhaafay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo gacan ka helaya ATMIS iyo duqeymaha Mareykanka.

Horaantii todobaadkan, 14 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalo ka dhacay agagaarka degmada Maxaas ee bartamaha Soomaaliya. Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ah Horjoogihii Alshabaab ee gobolka Hiiraan  Maxamed Wehliye Waasuge.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Arbacadii xaqiijiyay in duqeyn ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Teedaan ee gobolka Hiraan.