4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2022
Somaliland oo beenisay in ay ogolaatay in madaxda Soomaaliya yimaadaan aaska Hadraawi
 

Khamiis, Ogosto, 18, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in warbaahintu si qaldan u turjuntay hadalka wasiir Kaahin uu ku sheegay in xukuumadu ay ruqsad siinayaanayo madaxda Soomaaliya, si ay uga qaybgalaan aaska Hadraawi.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in wasiirku aanu martiqaadin madaxda dowlada Soomaaliya, isla markaana ay warbaahintu qalad fahantay.

"Warbaahinta ayaa si qaldan oo been abuur ah u turjuntey hadalkii Wasiirka, iyagoo ka dhigay in uu ogolaaday in ay aaska ka soo qayb geli karaan madaxda Soomaaliya, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn" ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.

Hadaba, Wasiir Kaahin oo si gaar ah loo waydiiyay hadii xukuumadu ogolaanaysa in madaxda Soomaaliya kasoo qaybgalaan aaska abwaan Hadraawi, ayaa yidhi "Waanu soo dhawaynaynaa, ruqsad ayaanu siinaynaa, waana nu u mahadcelinaynaa".

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in Hadraawi uu ahaa abwaan ay wada jecelyihiin dhamaan shacabka Soomaaliyeed sidaa darteedna ay ogolaan doonaan cidkasta oo soo codsata ka qaybgalka aaska Hadraawi.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]