4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2022
Somaliland oo markii ugu horaysay ogolaatay in madaxda Soomaaliya Hargaysa yimaadan
 

Khamiis, Ogosto, 18, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayso cidkasta oo ka qaybgalaysa aaska abwaan Hadraawi oo ay madaxda Soomaaliya ku jirto.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay warbaahintu si gaar ah u waydiisay hadii ay xukuumadu ogolaansho siinayso madaxda Soomaaliya, ayaa ku jawaabay in ay soo dhawaynayaan cidkasta oo soo codsata, isla markaana ay ruqsad siinayaan.

"Cidii aaskiisa kasoo qaybgalaysa aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, ruqsadna waynu siinaynaa, waana aynu soo dhawaynaynaa, cidii Somaliland soo waydiisata in ay aaska u imanayaan waynu soo dhawaynaynaa" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa sheegay in Hadraawi uu qiimo wayn ku dhex lahaa dhamaan umada Soomaaliyeed, isla markaana uu u ahaa il ay ugu noqdaan suuggaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

"Hadraawi oo abwaankii qarankan reer Somaliland ah, qaramo kale oo Afka-Soomaaliga ku hadlana dhamaantood wuxuu ahaa nin ay ciseeyaan oo ay u haystaan in uu suuggaanta Soomaaliyeed raga ugu waa wayn ee laga martiyo ahaa" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Waxay noqonaysa markii ugu horaysay ee xukuumada Somaliland ogolaato in madaxda Soomaaliya ay ciideeda cag soo dhigaan tan iyo markii ay Somaliland ka noqotay midowgii lagu asaasay Jamhuuriyada Soomaalida.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]