4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida Abwaan Hadraawi
 

Khamiis, Agoosto, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaarahiisa Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee Maanta ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Marxuum Hadraawi uu ka mid ahaa tiirarka hal abuurka Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay ilaalinta dhaqanka, horumarinta afka Soomaaliga iyo suugaanta, isagoona ku tilmaamay astaan midnimo iyo nabadeed, islamarkaana geeridiisa laga dareemayo guri kasta oo Soomaaliyeed.

“Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka dadka Somaaliyeed, waxa uu wakhtigiisii iyo hibadiisa hal-abuur u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka colaadaha iyo tafaraaruqa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa uga tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, isagoona Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

"Waxaan dhammaan Ehelka, Qaraabada, Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida xannuunka badan ee ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Hadraawi.” Ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa noqon doona shaqsi shacabka Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan Keydka suugaanta, taariikhda iyo falsafadda jiritaanka umadeed ee uu uga tagay, marka laga soo tago tacsida madaxda ugu sareysa dalka waxaa geerida Marxuumka si weyn uga naxay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo Abwaanka aad u jeclaa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]