4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2022
Soomaaliya oo ku guulaystay guddoomiyaha guddiga Bariga Afrika ee ka hortagga cudurada Afrika
 

Khamiis, Agoosto, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu guulaysatey gudoomiyaha guddiga bariga afrika ee ka hortagga cudurada Afrika ee loosoo gaabiyo CDC.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay guushaan door weyn ka qaateen wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed (Buraale) iyo guddi la socda oo dalka Tanzania uga qeyb galay shirka guddiga hagida Africa ee CDC.

Wasiir ku xigeenka iyo wafdigiisa oo Soomaaliya u matalayay kulanka ayaa si weyn ugu ololeeyay in Soomaaliya ay ku guuleysato guddoomiyaha guddigan Afrika ee CDC, taasoo ugu dambayn ay ku guulaysteen.

CDC, waa hay'ad farsamo oo ka tirsan Midowga Afrika oo loogu talagalay inay ka caawiso waddamada xubnaha ka ah dadaallada ay ku aqoonsanayaan, qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka bulshada iyagoo isticmaalaya sayniska, xogta, iyo siyaasadda.

Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC) waxaa loo aasaasay inay taageerto dadaallada caafimaadka dadweynaha ee Dawladaha xubnaha ka ah iyo xoojinta awoodda hay'adahooda caafimaadka ee dadweynaha, si ay u xakameeyaan oo uga jawaabaan si degdeg ah oo waxtar leh khataraha cudurka.

Waxaa lagu aasaasay Jannaayo 2016 shirka golaha midwoga Afrika, iyadoo si rasmi ah loo daahfuray Janaayo 2017.