4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2022
UK oo ku dhawaaqday £2.3 Million oo Pound oo ay ku taageerayso ciidamada Soomaaliya
 

Khamiis, Agoosto, 18, 2022 (HOL) - Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday £2.3 milyan oo dheeri ah oo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah taageerada dhinaca amniga ee Soomaaliya.

Safiirka UK ee Soomaaliya Kati Foster ayaa taageeradan dhaqaale kaga dhawaaqay kulan ay magaalada Muqdisho kula qaadatay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

UK ayaa dowladda Soomaaliya kala shaqeynaysa dib udhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si ay 2024 mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan howgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Wasiirka Ciidamada UK oo bishii May booqasho ku yimid Soomaaliya, wuxuu sheegay inay xoojinayaan dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka iyo dhismaha amniga Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay inay UK ka go'an tahay in ay gacan ka geysato xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.