4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2022
Kenya oo saddex todobaad gudaheed lacag ku dhow toban million oo dollar ka faaiday jaadka ay dhoofiso Soomaaliya

Khamiis, Agoosto, 18, 2022 (HOL) - Kenya ayaa saddex todobaad gudaheed Soomaaliya u dhoofisay Jaad Miirow ah oo qiimihiisu gaarayo hal bilyan oo shilinka dalkeeda ah, taas oo u dhiganta ku dhawaad sideed million iyo bar lacagta Maraykanka.

Tirada ay Kenya markii hore u dhoofin jirtay Soomaaliya oo ahayd 40 tan maalin kasta, ayaa hadda ganacsatada Kenya waxay daabuli karaan ugu badnaan 19 tan.

Guddoomiyaha ururka ganacsiga Qaadka, Kimathi Munjuri ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay xaddiga u dhoofinta qaadka Soomaaliya kordhiso.

Kenya ayaa billowday bixinta shatiyada dhoofinta ganacsatada miirooga bishii Luulyo ka dib wadahadal laba geesood ah oo dhex maray Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya ayaa tartan dhanka suuqa Soomaaliya ah kala kulmeysa Itoobiya oo Muqdisho geysa jaadka Hareeriga kadib markii dowladdii hore ee Soomaaliya ay muddo labo sano ka badan xayirtay Qaadka Kenya ee Miirowga.