4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2022
Hooyo Faa'iso "Gabdheyda Suuqa ayaan adeeg uga diray, ayadoo meyd ah ayaana ley keenay"
 

Arbaco, Agoosto, 17, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax badan ku reebay dadka deegaanka Ceelasha Biyaha oo Shalay galinkii dambe halkaasi loogu geystay Allah u naxariiste marxuumad Hibo Qaasim Maxamed oo ka mid aheyd ardaydii Shalay ku baastay Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka oo ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Hooyada dhashay marxuumada oo lagu magacaabo Faa’iso Maxamed Abuukar oo ka hadashay dilka gabadheeda ayaa sheegtay in loo adeegsaday mindi ama toorey, xili ay gabadheeda suuqa uga dirsatay adeeg casho, hayeeshee loo keenay ayadoo meyd ah.

“Suuqa ayey adeeg ka doontay soo noqodkii ay soo noqoneysay ayaa waddada lagu helay oo nin tuug ah ayaa dhowr mindi ka taagay, Wallaahi wax lagu dilay ma sheegi kari gabadha, ayada oo mindida ay ka taagan tahay ayuu ninka ka tegay afar meel ayay uga dhacday mindida waana isla xaafadda dhexdeeda halka lagu dilay gabadheyda" ayey tiri Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar.

Hooyo Faa'iso ayaa sidoo kale sheegtay in gabadheda si arxan daro ah loo dilay oo xata mindidi lagu dilay ayadoo ka taagan looga tagay wadada dhexdeeda, waxayna ka codsatay dowladda Soomaaliya inay soo qabtaan ninkii ka dambeeyey dilka naxariis darada ah ee gabadheeda loo geystay oo goobta isaga baxsaday.

Qoyska marxuumada la dilay ee Hibo Qaasim ayaa shalay si weyn u faraxsanaa maadaama ay imtixaanka dowladda ku baastay gabadhooda, hayeeshee farxadii Shalay gabadha iyo reerkeeda ay ku naaloonayeen waxaa xalay badalay murug iyo mugdi ay ku seexdeen Allah u naxariistee qoyska ay ka dhalatay Hibo Qaasim.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]