4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2022
Taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sheegay in howlgalo qorsheysan lagu dilay 10 Xubnood oo Al-shabaab ah
 

Arbaco, Agoosto, 17, 2022 (HOL) - Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in holwgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen tuulada Kilijiido oo ka mid ah tuulooyinka hoostaaga degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose inay ku dileen xubo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidanka xoogga howlgalo ay ka sameeyeen tuulada Kilijiido ay ku dileen ku dhawaad 10 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana ay dhaawaceen 13 kale.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidanka xoogga dalka ay ka furteen Al-shabaab Saanad Militari, islamarkaana ay burburiyeen Saldhigyadii ay ku lahayeen tuuladaasi oo ay gaadiidka uga qaadan jireen lacagaha.

Taliye Odawaa Yuusuf ayaa sidoo kale tilmaamay in guud ahaan dalka oo dhan ay xiligaan ka socdaan howlgalo lagula dagaalamayo Al-shabaab, Islamarlaana ay ahaan doonaan kuwa sii socon doono ilaa iyo inta laga saarayo Al-shabaab dalka oo dhan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]