4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar oo maanta soo saarey magacaabis cusub

Talaado, Agoosto, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa maanta  sameeyay magacaabis cusub oo ku aadan dhinacyada laamaha amniga iyo qaar kamid ah maamul magaalooyinka degaanka Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha guud ee Booliska dowlad degaanka Soomaalida u magacaabey Maxamed Xasan Axmed oo horey xilal kala duwan uga soo maray isla gudaha Booliska degaanka Soomaalida, marna soo ahaa Sirdoonka degaanka Soomaalida.

Halka ku xigeen looga dhigay Sareeye Gaas Sakariye Cabdi Khaliif, oo isaguna horey u ahaa Taliye ku xigeenkii Liyuu Booliska ee dhawaan xilka laga qaaday iyo Xasan Moogow Maxamed, Xarunta Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa leh labo taliye ku xigeen.

Sidoo kale Madaxa Xafiiska Maleeshiyadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa loo magacaabey Xirsi Maxamed Dool, horey waxaa xilkan usoo hayay Cabdulaahi Qaasim Cabdi.

Sidoo kale maamul magaalooyinka la magacaabey waxaa kamid ah Jigjiga oo loo magacaabey Siyaad Cabdilaahi Axmed oo horey uga soo shaqeeyay Xafiiska Biyaha degaanka Soomaalida, horey waxaa duqa magaalada Jigjiga u ahaa Cabdifataax Ibraahim.

Maamul magaalooyinka Dhagaxbuur iyo Tog-wajaale ayuu sidoo kale Madaxweyne Mustafe cagjar umagacaabey maamul cusub.

Magacaabistan uu maanta sameeyay Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa kusoo hagaagaysa xilli dhawaan uu Madaxweynuhu shaaciyay in isbaddel lagu samayn doono qaybaha kala duwan ee hay'adaha amniga dowlad degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]