4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo guddi baadhis ah u saaray mudaharaadkii 11 bisha
 

Talaado, Ogosto, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa guddi wasiiro ah, u saaray in ay soo baadhaan sababta keentay mudaharaadkii Khamiistii, khasaaraha ka dhashay, cida eedda leh, iyo sida xal mustaqbal oo waara loogu heli karo.

Madaxweynaha ayaa shaqadan u xilsaaray Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Isgaadhsiinta Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed.

Hadaba, madaxweynaha ayaa hadal uu jeediyay mudaharaadkii kadib, eeda khasaaraha dusha ka saaray xisbiyada mucaaradka, isagoo sheegay in madaxda mucaaradku ay masuul ka ahaayeen khasaaraha ka dhashay mudaharaadka.

"Madaxweynuhu miyaanu ka jawaabin dhamaan su,aalahan loo diray wasiiradan afar habeen ka hor  oo aanu mid walba ka jawaabin ma waxaa is badalay jawaabihii uu ka bixiyay habeenkaa dhawayd" Xogeeyaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa sidan kaga faalooday waraaqda madaxweynaha.

Dhinaca kale, xubnaha guddida ayaa ah dhamaantood wasiiro ka tirsan xukuumada Biixi ee mucaaradku ku eedaynayo in ay leedahay masuuliyada khasaarihii ka dhashay mudaharaadka, sida dareed ma samayn karaan baadhis madaxbanaan, sida uu sheegay Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac).

"Xukuumadda la eedaynayaa kuma samayn karto baadhitaan isla wixii iyada lagu eedaynayay" ayuu yidhi  Garyaqaan Guleed Dafac. "Waa mabda’ caddaaladda dabiiciga ah inaan qofna garsoor ka noqon karin wax uu dhinac ka yahay (Nemo judex in causa sua)".

Xisbiyada mucaaradka ayaa iyaguna dhankooda magacaabay guddi soo baadha khasaaraha ka dhashay mudaharaadka, ilaa hadana ma jirto guddi madaxbannaan oo arrintan xil iska saartay.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]