4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu si dhow ula shaqeynayo madaxweynaha cusub ee Kenya
 

Talaado, Agoosto, 16, 2022 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay la shaqeynayso Ruto, si loo horumariyo xiriirka labo geesoodka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu rajaynayo inay kawada shaqeeyaan William Ruto sidii loo xoojin lahaa xiriirka horey u jiray & iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal.

Mr Ruto oo ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya, ayaa doorashadan kaga guulaystay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga kadib markii uu helay 50.49% codadkii la dhiibtay.

Waa markii ugu horeysay ee Mr Ruto oo 55 jir ah uu isu soo taago xilka madaxtinimada. Waxa uu soo ahaa madaxweyne ku xigeen muddo 10 sano ah.

Ruto waxay isku dhaceen madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Mr Odinga ku taageeray inuu xilka kala wareego.

Doorashada Ruto ayaa kusoo aaday xilli Soomaaliya iyo Kenya uu dhawaan soo hagaagay xiriirkooda diblumaasiyadeed, iyagoo gaaray heshiisyo ganacsi.

Arrimaha horyaala william Ruto waxaa kamid ah sida uu u wajaho arrinta badda, kadib markii madaxweynihii hore ee Kenya uu sheegay in dowladda ka dambeysa ay dhaqan galindoonto go’aanka maxkamadda ICJ ay ka gaartay muranka badda labada dal.