4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo darajadiisii ciiddan usoo celiyay xildhibaan Saadaq Joon
 

Isniin, Agoosto, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliiska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

"Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii abril ee sannadkii hore darajooyiinkii ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon, saacado kadib markii sidoo kale laga qaaday xilka taliyihii booliska gobolka Banaadir.

Saadaq Joon, ayaa xilkiisii iyo darajadiisii ku waayay kadib markii uu isku dayay inuu hor-istaago kulankii baarlamaanka ee muddo kordhinta labada sano ah loogu sameeyay madaxweyne Farmaajo, balse maalmo kadib la joojiyay rabshado ka yimid awgeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xilligaas kamid ahaa dadka aadka ugasoo horjeeday madaxweyne Farmaajo, ayaa sharci darro ku tilmaamay darajo ka xayuubinta Saadaq Joon, isagoo sheegay in madaxweyne muddo xilleedkiisii dhamaaday uusan lahayn sharciyad uu darajo ku xayuubiyo.

Saadaq Jon ayaa haatan katirsan barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay saraakiil ciidan oo barlamaanka kusoo biiray .