4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2022
Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay xeebaha Cumaan
 

Isniin, Agoosto, 15, 2022 (HOL) - Dooni lagu magacaabo Al-caalam oo sidday hanti gaaraysa (1600-Tons) oo qiimaha ahaana ka badnayd (4 Million) oo dollar ayaa ku gubatay xeebaha Cuman, xilli ay kusoo jeeday Soomaaliya.

Doonidan ayaa u rarnayd ganacsato Reer Puntland ah, waxaana badeecadaha ay waday isugu jireen Shidaal, Raashin’ Gadiid kala duwan, Qalabka dhismaha iyo Bagaash.

Waxay doontaan kasoo shiraacatay dalka Emaaraatka waxayna kusii jeeday Dekeda Boosaaaso, iyadoo ku gubatay meel udhow xeebta Masiira ee dhinaca Cuman.

Bishii June ee sannadkii hore ayay ahayd markii  Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed ay ku gubatay biyaha u dhaxeeya Cumaan iyo Dubai, waxaana ku khasaaray hanti farabadan oo ay lahaayeen ganacsato kasoo jeeda Puntland.

Inta badan xilliga xagaaga waa xilliyada ay dhacaan gubashada Doonyaha ka yimaada wadamada Khaliijka, iyadoo loo sababaynayo dabaylo xooggan ka dhacaya badda.