4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2022
Jigjiga : Dil ka dhacay xaafadda 17aad ee magaalada Jigjiga

Isniin, Agoosto, 15, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahayd uu dil ka dhacay xaafadda 17aad ee magaalada Jigjiga, dilkaas oo loogaystay nin la odhan jiray Cabdi Ismaciil.

Lama sheegin waxa dilka keenay balse Hay'adaha amniga ee magaalada Jigjiga ayaa gacanta ku dhigay ninkii dilka gaystay, iyadoo la sheegay in dilka loo adeegsaday Faas, luqunta lagala dhacay marxuumka geeriyooday.

Booliska ayaa baadhitaan ku wada dhacdadan argagaxa leh, iyo waxa sababay dilkan, Ilaa haddana lama sheegin wax dhibaato hore ah oo ka dhaxeysey Marxuumka iyo ninka dilka gaystay.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa Soomali ka shaqeeya dhismaha guryaha, halka ninka loo haysto dilka marxuumkaasi la sheegayo in maskaxiyan uusan caafimaad qabin.


Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]