4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2022
Raysal wasaare Xamse: Macquul ma noqon karto inaan kusoo aruurno jidka Maka Almukarama

Isniin, Agoosto, 15, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa waxaan macquul ahayn ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ku aruurto waddada Maka Almukara, xilli Muqdisho inteeda kale uuu sheegay inay ammaan tahay oo aysan cabsina ka jirin.

Raysal wasaaraha oo ka qeyb galayay kulan lagu soo dhoweynayay xukuumadiisa ayaa yiri,” Ma waxaan dowlad ku noqonay Makal mukarama. Hadda Airport-kii baa la dhex galay. Waxaan ka cabsanayaa in aan hotelo iyo guryo ka dhex dhisano, sidaas sax ma ahan. Waxaa loo baahan yahay bal inaan horta Muqdisho kaliya amnigeeda xaqiijino kana sifayna cadowga."

Dhinaca kale, Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in dhismaha laamigii isku xirayay Muqdisho iyo Jowhar uu ku istaagay magaalada Balcad.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in sababo amni darteed loo dhaqaajin waayay laamigaas, isagoo caddeeyay in haatan halis loogu jiro in mashruucaas uu istaago.

Wuxuu sheegay inuu mashruucu labo jeer waqtigiisii dhacay oo haddana dib loo cusboonaysiiyay, isagoo intaas ku daray in dowladda maalgalisay mashruucaan ay u sheegtay dowladda Soomaaliya, in laamiga inta harsan Muqdisho lagu dhiso.

“Balcad meeqay jirtaa? 28km meelahaas. Jidkaas hadda meeshaas ayuu ku istaagan yahay. Waana la dhaafin la’ yahay amni darrtiis. Suurtagalna ma ahan inaan Jowhar diyaarad u raacno, oo aynaan baabuurna raaci karin,’ ayuu yiri raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Xamse waxa uu ku baaqay in amniga loosoo wada jeesto oo aan dowladda kaliya lagu halayn inay Shabaab dalka ka saarto. Wuxuu sheegay inaysan dowladdu waxba qaban karin haddii shacabku aysan soo sheegin dadka amni darrada wada.