4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 14, 2022
Liiska Xildhibaanada iyo Guddoomiyayaasha Soomaalida ee lagu doortay Kenya
 

Axad, Agoosto, 14, 2022 (HOL) - Doorashada baarlamaanka iyo guddoomiyeyaasha gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Kenya ayaa waxaa kusoo baxay siyaasiyiin cusub iyo kuwo hore oo kuraas kala duwan ku guulaystay doorashadii dhawaan la soo gabagabeeyay 9-kii bishan Ogosto.

Inta badan dadka la doortay ayaa ka socday Isbaheysiga Azimio La Umoja One ee Kenya oo ay hogaaminayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga iyo madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta.

Shaqsiyaadka caanka ah ee la doortay ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Faarax Macallin oo muddo toban sano ah ka dib soo laabtay.

Waxa uu ka tartamayay xisbiga WIPER oo hoos yimaada isbahaysiga Azimio, isaga oo helay 12,864. Wuxuu ka guulaystay oo xisbiga ODM katirsan Cabdikheyr Dubow oo helay 9,740 cod.

Hogaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka dalka Adan Barre Ducaale, oo saaxiib dhow la ahaa madaxweyne ku xigeenka xilka ka degay, Wiliam Ruto, ayaa sii xajistay xildhibaannimadiisa magaalada Gaarisa.

Saxafiga ruug caddaaga ah ee Aljazeera Mohamed Cadow ayaa isna guul ku gaaray doorashada xisbiga ODM si uu u noqdo xildhibaanka cusub ee koonfurta Wajeer.

Ali Ibrahim Roba, oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Mandheera, waxaa loo doortay senetarka cusub ee ismaamulka Mandheera.

Hoos ka akhriso liiska.

C/qaadir Yuusuf Xaaji- Senator Garrrisa.

Aadan Daa’uud –Xildhibaan- Bariga Wajeer.

Saalax Yacquub- Xildhibaanka- Faafi.

Cabdi Cali Cabdi- Xildhibaan Ijar

Cabdi Shuuriye- xildhibaan Balambala

 Xuseen Barre Cabdi – XildhibaanTarbaj

Maxamed Cabdikheyr- xildhibaan Lafey.

Xuseen Weytaan – Xildhibaan Mandera Bari

Major Abdullahi –Xildhibaan waqooyiga Mandheera

Cabdiwahaab Xoor Koore – Xubin ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Mandheera

Kulow Macalin Xasan- Xildhibaan Banisa

Umulkheyr Kasim- Wakiilka Haweenka Mandheera (markii ugu horeysay)

Faadumo Jehow- Wakiilka Haweenka Wajeer (Markii ugu horreysay)

Udgoon Siyaad- Wakiilka Haweenka Garissa (markii ugu horeysay)

Nathif Jama (ODM)- Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Garissa, ayaa dib u qabsaday kursigiisa ka dib markii uu garaacay Cali Korane oo hadda xilka haya.

Dhanka kale, siyaasiga caanka ah ee Soomaalida ah ee ku nool ismaamulka Migori ee galbeedka Kenya Junet Mohamed ayaa mar labaad loogu doortay xildhibaan. Maxamed ayaa saaxiib dhow la ah Ra’iisul Wasaarihii hore ahna musharaxa Madaxweynaha AZIMIO Raila Odinga.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa markii saddexaad sii adkaystay kursigiisa xildhibaanimo ee xisbiga Jubilee oo uu ku matalo xaafadda ay dadka Soomaaliyeed ku badan yihiin ee Islii.