4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta la wareegtay deeq raashiin ah oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta


Sabti, Agoosto, 13, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo ay wehlinayeen wasiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raysal Wasaare Xamse, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale ayaa Maanta la wareegay deeq raashin oo ka timid dowladda Imaaraadka Carabta.

Deeqdaan raashiinka ah oo ay la wareegtay Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka kooban 40 konteenar oo isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Dekada weyn ee magaalada Muqdisho oo ay kula wareegayaan deeqda raashinka ah ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta deeqdan ay Maanta soo gaarsiyeen dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in sida ugu haboon ay u gaarsiin doonaan dadka abaaruhu saameeyeen.

"Waxaan Maanta la wareegnay deeq raashiin ah oo inooga timid dowladda walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta taasoo dhan kun tan oo isugu jirta cunooyin kala duwan oo loogu talo galay dadka abaaraha saameeyeen, waan uga mahadcelinaya garab istaaga dowladda Imaaraadka Carabta ay inoo mujineyso, waxaana ka fileyna deeqo kale oo gargaar ah" ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir.

Danjiraha dowladda maaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Othman ayaa sheegay in deeqdaan ay Maanta soo gaarsiiyeen dowaladda Soomaaliya ay gaareyso 1000 tan oo raashin ah oo ay dowladda imaaraadka ugu talogashay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameyeen.

Gabagabadii deeqdaan raashiinka ah ee Maanta la wareegtay dowladda Soomaaliya ayaa imaaneysa xili abaaro aad u daran ay ka jiraan inta badan gobolada dalka Soomaaliya, taasoo sababtay in meelaha qaar dad ugu dhintaan gaajo iyo haraad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]