4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Faysal Cali Waraabe: Xisbi ayaa nin Xirsi la yidhaa guddoomiye ka dhigtay ayuu ku washay
 

Sabti, Ogosto, 13, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in uu u hamuum qabo in uu daadiyo dhiiga shacabka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu dadna laayay isla markaana uu doonayo in uu dadkalena laayo, waxa uu sheegay in tirrada lagu dilay mudaharaadkii 11 bisha aan xataa lagu dilin kacdoonkii UFO, ee xiligii dowladii kacaanka.

"Waa ninka isaga oo 7 qof dilay boqol iyo dheeraadna dhaawacantahay marka lagu daro askarta, wali u hamuumayo in uu dhiig daadiyo" ayuu yidhi Faysal "Maalintii Maxamed Siyaad Barre lagu mudaharaadayay ee dhalinyaradii UFO la xidhay 1 qof ayaa ku dhintay, hada waa Faqashtii" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu ku andacooday in madaxweyne Biixi uu is badalay kadib markii uu Xirsi Cali Xaaji Xasan guddoomiye ka noqday xisbiga Waddani.

"Muuse xisbi is badalay oo guddoomiye ka dhigtay nin Xirsi la yidhaa, ayuu la waashay, horayna waan i diinku sheegay siduu u hagaagsanaa, ayuun baa Xirsi laga dhigay guddomiyaha Waddani, markaasu wixii oodhan badalay" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu madaxweyne ku yahay aqoonsiga ay siiyeen xisbiyada mucaaradka ahi, isla markaana hadii ay aqoonsiga kala noqdaan uu noqon doono muwaadin kamid ah muwaadiniinta Somaliland.

Faysal waxa uu sheegay in mudaharaadadu ay soconayaan, isla markaana anay maalin danbe xukuumada ka codsan doonin ogolaansho, oo ay wadi doonaan, hadii ciidanku la dagaalamana ay dagaalami doonaan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]