3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2022
Dowladda Kenya oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya
 

Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay Maj Gen Thomas Chepkuto inuu noqdo safiirka cusub ee dalka Kenya uqaabilsan Soomaaliya.

Danjire Chepkuto ayaa ka mid ahaa 24 safiir iyo saraakiil sare oo loo xilsaaray inay dalka Kenya u metelaan dalal kala duwan.

Safiirka Kenya ee Soomaaliya Chepkuto waxa uu hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawada Sare ee Kenya illaa 29ka Juun 2021.

Chepkuto waxa uu bedeli doonaa Lucas Tumbo oo xilkan hayay tan iyo 2015kii.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed sanadkii hore ka dib muddo bilo ah oo xiriirkooda uu xumaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale Benson Mwaliko u magacaabay inuu madax ka noqdo qunsuliyadda Kenya ku leeyahay magaalada Hargesia.

Magacaabida Kenyatta ayaa kusoo aadeysa, 109 maalmood ka hor inta uusan xilka ka degin madaxweyne Kenyatta oo muddo 8 sano ah dalkaas maamulayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/23/2022 4:09 PM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Dhinaca kamid ah guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Garbahaareey ee caasimadda gobolka Gedo ka bilaabay doorashada 16ka kursi ee aqalka hoose ee yaala Gedo.

4/23/2022 1:17 PM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qunsulka cusub ee dowladda Kenya u joogi doona magaalada Hargeysa ee Somaliland.

4/23/2022 8:04 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa Maanta oo Sabti ah soo gabagabeeyay doorashada 16-kursi oo ku harsaneyd deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland

4/23/2022 5:21 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka Maxamed Cawil Warsame ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashooyinka ka socda degmooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

4/23/2022 5:14 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sare u kaceyso gaajada ka jirta Soomaaliya ee ay abaaruhu sababeen, iyadoo sheegtay in ka badan lix milyan oo qof inay hadda soo food saartay cunto yari ba'an.

4/23/2022 2:33 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sabti ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, waxayna dhageysanayaan hadal jeedinta musharaxiinta guddoonka labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

4/23/2022 1:37 AM EST
Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay maqaayad ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, sida uu sarkaal ka tirsan adeegga ambalaasta u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.