4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Xildhibaan Xiddig: Xilka aan u tartamayo ee guddoomiyaha barlamaanku, waa xilka ugu sarreysa dalka
 

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa markii labaad iskusoo sharraxay xilka guddoomiyaha golaha shacabka, isagoo u arka fursad uu kusoo bixi karo.

Xildhibaan Xidddig ayaa sheegay in jagada guddoomiyaha barlamaanku ay tahay jagada ugu sarreysa daka. Wuxuuna sheegay sababta uu isugusoo sharraxay inay tahay inuu ummadda tuso inaanu jirin kursi reer kaliya loo asteeyay.

“Waxaan rabnaa inaan dadka barno guddoomiyaha barlamaanku inuu yahay xubinta ugu sarreysa dalka ama xubinta labaad. Waxaa laga hadlayaa Prime minister. Soo ma ahan midkii todobada daqiiqo lagu ceyriyay,” ayuu yiri xildhibaan Xiddig.

Xiddig waxa uu sheegay inuu kalsooni ballaaran ka haysto beesha uu kasoo jeedo. Wuxuu kaloo beeniyay in is sharraxaadiisa ay tahay mid siyaasadeed oo loo adeegsanayo in lagu dhabar jebiyo siyaasiyiinta beesha uu kasoo jeeda, kuwaas oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaa loo baahan yahay horumar iyo in laga gudbo saddex dhardhaar oo lixdamaadkii la dhigay. Waayo waxaa jira beelo Soomaaliyeed oo xaq uleh inay u tartamaan jagooyinka ugu sarreeya ee dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay xildhiban Xiddig.

Xildhibaan Xiddig ayaa sannadkii 2016 u tartamay jagada guddoomiyaha barlamaanka, wuxuuna helay 97 cod, waxaana kaga guulaystay Maxamed Cismaan Jawaari. Wuxuu hadda aamisan yahay inuu haysto fursad ka fiican midii sannadkii 2016.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online