4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo meel mariyay hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS
 

Jimco, April, 01, 2022 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la taageero howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana loo fasaxay in uu tallaabo ka qaado kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, ayaa beddelaya hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ee loo yaqaanno AMISOM, kaas oo ka howlgalayay Soomaaliya muddo 15 sano ah.

Golaha amaanka ayaa ku celiyay inuu taageersan yahay in ay Soomaaliya si buuxda u qaadato mas'uuliyadda ammaankeeda, oo ay ku jirto in ay qaadato doorka hoggaamineed ee ka hortagga iyo wax ka qabashada khatarta Al-Shabaab.

Qaraarka la meel mariyay ayaa awood u siinaya ATMIS inay si wadajir ah u fuliyaan hawlgallo qorsheysan oo ay la leeyihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo Daacish.

Goluhu waxa uu u fasaxay wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay geeyaan ilaa 19,626 askari, oo ay ku jiraan ugu yaraan 1.040 booliis, ilaa 31-ka Diseembar 2023, waxaana uu taageeray go’aankii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee ahaa in 2,000 askari laga dhimo ciidamada nabad ilaalinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online