
newsinsideGarabkaan waxay si cad uga hor yimaadeen shaacinta liiska xildhibaannada labada aqal ee guddiga doorashadu xalay shaaciyay. Liiskaas oo uu ka maqan yahay Fahad Yaasiin iyo xildhibaanno kale oo lagu doortay magaalada Baydhabo.
Xoghayaha guddiga doorashada oo qeyb ka ah garabka soo saaray warkaan, ayaa sheegay inaysan jirin kuraas guddiga uu hakiyey oo hadda taagan, wuxuuna sheegay in aysan jirin liis rasmi ah oo guddiga doorashada kasoo baxay.
Garabkan waxa ay ku doodayaan in guddiga xallinta khilaafaadku ay xaq uleeyihiin inay xal ka gaaraan wixii khilaafaad ah ee doorashada ah, haddii ay xallin waayaana ay u gudbinayaan golaha wadatashiga qaran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online