4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Wasiirka cusub ee amniga gudaha oo la wareegay xilka Wasaaradda, kadib markii la dhaariyay


Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinaayay, islamarkaana uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xukuumada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub ee wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya.

Dhaarinta wasiirka cusub kadib, waxaa xarunta wasaarada amniga gudaha lagu qabtay munaasabad ay goobjoog ka ahayeen wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Farxaan Cali Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsana wasaarada qeybaheeda kala duwan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Farxaan Cali ayaa xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda amniga gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka cusub oo ka hadlaayay munaasabada xilka lagula wareejinaayay ayaa u mahadceliyay dhamaan xubnaha wasaaradda sida ay u soo dhaweeyeen iyo waliba shaqada wanaagsan ee uu sheegay iney bulshada u hayaan, isagoona sheegay inuu dhankisa rajeynayo iney si wanagsan u wada shaqeyn doonaan.

Xil wareejinta wasiirka cusub ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo beegmeysa xili wasiirkii hore ee xilkaasi laga xayuubiyay uu sheegay in xil wareejin afduub ah maanta ka dhacday xarunta wasaaradda amniga gudaha sida uu kusoo daabacay barta uu ku leeyahay Baraha bulshada ku wada xariirto ee Internetka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]