4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Afhayeenka xisbiga UCID "Garan mayno meel xisbiga Waddani dib u heshiisiinta ka keenay"
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga UCID Maxamed Bilaal, ayaa guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waydiiyay sababta keentay in uu erayga "dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya" ku dhex isticmaalo qoraal uu shalay soo dhigay bogiisa.

Qoraal uu maalintii shalay guddoomiye Cirro bogiisa ku qoray oo uu ku sheegay in uu la kulmay ergayga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan "wadahalada iyo dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya", qoraalkaas oo bulshadu fal celin ka samaysay ayuu afhayeenku xisbigiisa ka fogeeyay isagoona guddoomiyaha waydiiyay sababta isticmaalkiisa.

"Anagu kala maanaan hadlin wax khuseeya dib u heshiisiin, shaqadayadana maaha, dowlada Soomaaliya ayaa had iyo gooraale dib u heshiisiinta ka dhigata qadiyad, anagu waddankaa waany kala tagnay, Soomaaliya iyo Somaliland waa laba waddan oo kala gaara, kama hadalo dib u heshiisiin, dib u heshisiintu waa dad is haya oo dib loo heshiisiinayo"

"Xisbiga Waddani halka uu ka kenay erayga "dib u heshiisiin" iyaga sheegi, gabadha safiirada ah kuma jirto shaqadeeda dib u heshiisiin iyo waxa xisbiga Waddani meel uu ka keenay garan mayno" ayuu hadalkiisa ku daray.

Qoraalka guddoomiye Cirro, ayaa ahaa "Waxa aan maanta Magaalada Hargeysa kulan la qaatay wefdi ka socda Dawladda Norway oo ay hoggaaminayso ergeyga gaarka ah ee dowladda Norway u qaabilsan arrimaha wada-hadalka, nabadda iyo dib u heshiisiinta Jamhuuriyadda Somaliland & Soomaaliya".

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]