4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay madaxa xafiiska UK, xafiiska horumarinta mashaariicda UK iyo shirkado
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ku saabsan horumarinta ganacsiga, Dekedda Berbera iyo kastamada la yeeshay masuuliyiin Ka Kala Socday Shirkadda TMEA, Xafiiska Horumarinta Mashaariicaha Uk Iyo Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

kulanka ayaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta dhismaha waddada Berbera Corridor oo isku xidhi doonta, marin ganacsiyeedka Tog-wajaale iyo Berbera, oo ay barbar socoto dhismaha waddada Hargeisa Bypass. Sidoo kale waxa laga wada hadlay mustaqbalka wixii la iska kaashan karo ee ay ka mid tahay horumarinta kaabayaasha ganacsiga ayaa lagu yidhi warbixin kula laga soo saray kulanka.

Waxa kale oo lagu sheegay in lagu lafo-guray kulankaasi qodobo ay ka mid yihiin horumarinta kastamyada waa weyn ee  kuyaala xuduudaha Somaliland, si loo fudaydiyo allaabooyinka ganacsi ee isaga gudbaya dalalka Geeska Afrika iyo fursadaha kale ee maalgashi ee la xidhiidha horumarinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaale.

Kulanka waxa madaxwaynaha ku wehelinayay wasiirradda wasaaradaha Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade,  Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash, Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Dhinaca masuuliyiinta madaxweynuhu qaabiley waxay kala yihiin, Frank Matsaert, Dominic McVey, Damon Bristow, Chris Loughran, Stuart Brown, Abdi Osman iyo Cris Pym sida lagu faah faahiyay warbixinta madaxtooyada.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]