4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Somaliland oo kumannaan urur oo maxali ah ruqsadii shaqada kala noqotay
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay shaqadii ka joojisay, isla markaana aqoonsigii kala noqotay 2372 urur oo ka howlgali jiray gudaha Somaliland, sababta shaqo joojinta ayay xukuumadu ku sababaysay in anay ahayn ururo shaqeeya oo  tayo leh.

Agaasimaha wasaarada qorshaynta Somaliland Axmed Cabdi Ismaaciil, oo warbaahinta u akhriyay go'aanka ururadan ruqsada loogala laabtay oo wasaaradiisu kasoo shaqaysay, ayaa tilmaamay in ururadaasi anay maanta laga bilaabo ahayn ururo jira oo ay xukuumada Somaliland aqoonsantahay.

"Ururada u diwaan gashana qaranka Somaliland ee maxaliga ahaa waxay ahaayeen  3000 oo urur, oo 200 ka dhimanyihiin, markii sharciyadooda dib loogu noqday waxa soo baxay in 2372 urur anay sharciyad ay ku shaqeeyaan  haysanin, sida darteed anaga oo ticraacayna shuruucda aanu ku shaqayno, waxaanu sheegayna in ururadaasi anay ahayn ururo jira" ayuu yidhi agaasimuhu.

"Waxa kale oo aan raacinaynaa in 236 urur ay noqdeen ururada sharciga ah, ee maanta wasaaradu ay aqoonsantahay, ee shaqeeya ee sharciyad haysta, ee wasaarada ku xidhan, sidaa darteed, halka waxa ka muuqda in 10% ay yihiin waxa shaqeeya, 90% ay yihiin magac uyaal" ayuu hadalkiisa ku daray agaasimuhu.

Agaasimaha ayaa sheegay in xukuumadu dabagal joogta ah ku hayn doonto shaqada iyo tayada 236 urur ee hadhay, si loo hubiyo in ay qabanayaan shaqadii looga baahna, isla markaana ay leeyihiin shaqaale iyo dhaqaale ku filan.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]