4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Alshabaab oo shaacisay in muwaadin kasoo jeeda Kenya inuu fuliyay weerarkii ismiidaaminta Camaara

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee Camaara uu fuliyay muwaadin kasoo jeeda dalka Kenya.

Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdi Raxmaan Zeynudiin, ayaa Alshabab ku biiray sannadkii 2014, wuxuuna kasoo jeeda magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta Kenya.

Warbaahinta Alshabab ayaa shaacisay in ismiidaamintiisu ay fure u ahayd weerarkii lagu qabsaday Camaara, halkaas oo Alshabab ku qabsadeen 18 kamid ah gaadiidka dagaalka.

Alshabab waxay sheegtay Cabdi Raxmaan Zeynudiin in uu qeyb ka ahaa waxay ugu yeeraan maktabka istishahaadiyiinta; oo ah kuwa fuliya weerarada ismiidaaminta ah.

Cabdi Raxmaan Zeynudiin, wuxuu qeyb ka ahaa dhallinyaro Kenyan ah oo Alshabaab ku biiray sannadkii 2014, xilligaas oo dhalinyaro badan oo kasoo jeeda gobolka xeebta ku biireen AlShabab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online