4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Kenya oo magacowday madaxda xafiiskeeda diblumaasiyeed ee Hargaysa
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Qoraal kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya, ayaa lagu sheegay magacyada 4 masuul oo ay dowlada Kenya u magacowday xafiiska dibulumaasiyadeed ee ay ka furanayso caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Qoraalka magacaabista ah oo ay  Wasaarada Arrimaha Dibada Kenya 2 bishan u dirtay xafiiska Somaliland ee Kenya, ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya ay Benson M. Mwaliko u macowday wakiilkeeda Hargaysa, halka Charles K. Whaichari loo magacaabay wakiil ku xeeg. Sidookale Grace N. Musau iyo Ronald O. Yakweba loo magacaabay masuuliyiin maamul oo ka howlgali doona xafiiska.

Wakiilka xilka kasii dagaya ee Somaliland u jooga magaalada Nairobi Baashe Cawil Cumar, ayaa qoraal uu ku qoray bogagiisa Twitterka iyo Facebook ku sheegay "in uu aad ugu faraxsanyahay in Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya ay u xaqiijisay in dowlada Kenya ay si rasmi ah u furanayso xafiiskeeda dibulumaasiyadeed ee Hargaysa".

Xukuumadaha Somaliland iyo Kenya ayaa la rajaynayaa in ay si wada jir ah maal maha soo socda ugu dhawaaqaan furista xafiiska Kenya ee Hargaysa, isla markaana si rasmi ah xadhiga looga jaro.

Heshiis bishii December ee sanadkii hore magaalada Nairobi ku dhex maray madaxwaynayaasha Kenya iyo Somaliland ayaa lagu qorsheeyay in Kenya xafiiskeeda Hargaysa furato marka la gaadho bisha March ee sanadka 2021, heshiiskaas oo fulintiisa dib u dhacbadani ku yimid.

Sababta keentay in wakhtiga furista xafiiska Kenya ee Hargaysa dib u dhaco ayay xukuumada Somaliland ku sheegtay saamaynta caabuqa Covid-19 halka xukuumada Kenya anay kasoo saarin war rasmi ah oo la xidhiidha sababta dib u dhaca.


Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]