3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Alshabaab oo madaafiic ku weerartay saldhigga ciidamada Puntland ee Af-urur
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weerartay saldhig ciidamada maamulka Puntland ku leeyihiin tuulada Af-urur oo qiyaastii 70km u jirta magaalada Bosaso.

Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan, sida ay HOL u sheegeen saraakiil amni oo katirsan Puntland oo ku sugan aagga buralayda Golis ee gobolka Bari.

Alshabab waxay qoraal ay soo saareen ku sheegeen in ay beegsadeen saldhigyo ay ciidamada Puntland ku sugnaayeen, waxayna tilmaameen in uu dab ka kacay mid kamid ah teendhooyinka ciidamadu ku hoydaan.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada aagga buuraha Golis ay halkaas ka sameeyeen howlgallo Alshabaab.

Sannadkii 2017, Alshabab ayaa weerarkii ugu khasaare badnaa ee ka geystay  tuulada Af-urur, iyagoo halkaas ku dilay ku dhawaad 50 askari, sidoo kalena gubay gaadiid dagaal, iyagoo horey usii qaatay hubkii iyo saadkii ciiddanku lahaayeen.

Weerarkaas kadib, Puntland ayaa aad u xoojisay ammaanka saldhigyada buuraha kuyaalla.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/7/2021 6:10 PM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqbalay istiqaalo uu usoo gudbiyay Agaasimaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin, isagoo dhinaca kale u magacaabay la taliyaha amniga madaxweynaha.

9/7/2021 2:13 PM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in loo diyaar garoobayo qabashada doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii ka dhex taagnaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaasi.

9/7/2021 1:26 PM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa war saxafadeed kasoo saartay Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ay hay'adda NISA sheegtay iney dileen Al-shabaab, iyadoona Shabaab ay iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil.

9/7/2021 11:42 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Soomaalidu ay dacaayadayso Somaliland isla markaana ay buun buuniyaan qadiyadaha ka dhan ka ah, isagoo sheegay in ay adeegsadaan dad reer Somaliland ah.

9/7/2021 8:06 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay u dhaqaaqeen deegaanka Kabxanleey oo ay ku dagaalamayaan laba Maleehiyo beeleed.

9/7/2021 7:59 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu shil gaari oo khasaaare dhimasho iyo dhaawacba leh geystay uu ka dhacay inta u dhaxeysa wadada dheer ee xiriirisa Baledweyne iyo Maxaas.

9/7/2021 7:49 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Qoraal kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya, ayaa lagu sheegay magacyada 4 masuul oo ay dowlada Kenya u magacowday xafiiska dibulumaasiyadeed ee ay ka furanayso caasimada Somaliland ee Hargaysa.

9/7/2021 4:38 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar, Maxamed Saafan, kulankaa oo uu goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar.

9/7/2021 2:05 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

9/7/2021 1:41 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya ku boggaadisay tallaabadii uu shaqada kaga joojiyay agaasimihii hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin.

9/7/2021 1:16 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Kabxanleey ayaa ku baaqay in si deg deg ah u joojiyaan beelaha walaalaha ah ee deegaankaasi ku dagaalamaya.

9/7/2021 1:10 AM EST
Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guud ee beelaha Dir Suldan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo muuqbaahiyaha Saab kula hadlay xafiiska beesha ee magaalada Hargaysa, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya deegaanada Kabxanlay iyo Deefow ee gobolka Hiiraan.