4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Puntland oo xukun dil ah ku riday saddex dhallinyaro ah oo kufsi wadareed u geystay wiil 13 jir ah
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday saddex wiil oo dhallinyaro ah oo lagu helay dambi ah in ay kufsi wadareed u geysteen wiil 13 jir ah.

Waa xukunkii ugu horreeyay oo nuuciisa ah oo ka dhaca gudaha Puntland, waxayna maxkamadu xukunkaan u cuskatay shareecadda islaamka iyo axaadiista nebiga sida uu sheegay garsooraha maxkamadda, Cabdinaasir Maxamed Cali.

Xukumanayaasha oo lagu kala magacaabo, Xuseen Shaamil Maxamed, 16 jir ah, Sekariye Cabdiraxmaan Saciid, 16 jir ah iyo Bishaar Maxamed Cali oo 20 jir ah, ayaa kufsi wadareedka kula kacay Cabdullaahi Cabdifitaax Sheikh Xuseen oo 13 jir ah.

Dhibbanaha falkaan loo geystay, ayaa qoyskiisu waxay dalbadeen in shareecada islaamka loogu qaado dadka ka dambeeyay falkan.

Gaalkacyo waxaa sannadkii 2019 ka dhacay kufsigii ugu saamaynta badnaa oo loo geystay gabadh 12 jir ah oo lagu magacaabi jiray Caa’isha Ilyaas Aadan, kadib markii la isugu daray kufsi iyo dil.

Puntland ayaa bishii febraayo 11, sannadkii 2020, xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in ay ka dambeeyaan kiiskaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online