4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo soo dhoweeyay tallaabada uu raysal wasaare Rooble shaqada kaga joojiyay Fahad Yaasiin
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa shir ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen waxay kusoo dhoweeyeen go’aanka uu raysal wasaare Rooble shaqada kaga joojiyay taliyaha hay'adda nabad sugida NISA ee Fahad Yaasiin.

Odayaasha beelaha Hawiye waxay kaloo sheegeen, in madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono masuuliyadda ka dhalata isku day walba oo looga hor imaanayo amarka Raysal wasaare Rooble.

Bayaan ka koobnaa shan qodob ayay odayaashu ku sheegeen, tallaabada uu qaaday raysal wasaaruhu in ay  tahay mid geesinimo leh oo lagu badbaadinayo dadka iyo dalka.

Odayaasha beelaha Haweiye waxay dalbadeen in Ikraan Tahliil Faarax iyo qoyskeedaba ay helaan caddaalad islamarkaana cid kaste oo ku lug leh kiiskaas caddaalada la horkeeno.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online