4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Sadax dhalinyaro ah oo ku afduubna magaalada Baledweyne oo goordhaw la sii daayay
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw dib xoriyadooda u helay oo lasii daayay sadax dhalinyaro ah oo mudo sadax maalin ah ku afduubna Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne, kuwaas oo u xirnaa dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Kadib dadaalo dheeraad ah oo ay sameyeen odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa ugu dambeyn suuragalisay in lasii daayo sadaxda dhalinyarada ah ee u afduubna iney isku qoys yihiin taliyahii Nabadsugida Fahad Yaasiin.

Qaar ka mid ah odayaasha Beesha Gaaljecel ee maanta ku wareejinaayay sadaxda dhalinyarada ah odayaasha beesha reer Awxasan ayaa sheegay iney afduubka raali ka aheyn oo ay sameeyeen dhalinyaro aanan lala qabin ficilkaasi.

Odayaasha reer Awxasan oo dhankooda ka hadlay sii deynta sadaxda dhalinyarada ah ee afduubka loogu heystay xaafada Howlwadaag ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in loo sii daayo wiilashooda oo mudo sadax maalmood ah ku afduubna si qalad ah.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa si aad ah uga carooday falka afduubka ah ee sadaxda dhalinyarada loogu geystay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa xusid mudan mudada sadaxda maalmood ah ay dhalinyaradaani ku afduubnayeen guri ku yaala xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne in maamulka Hirshabeelle aysan wax talaabo ah ka qaadin arintaasi, inkasto maanta ugu dambeyn lagu sii daayay wadahal dhexmaray beelaha Gaaljecel iyo reer Awxasan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]