4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Midowga Musharaxiinta oo taageeray go'aankii Raysal wasaaraha Soomaaliya shaqada uga Joojiyay Taliyahii Hay'adda NISA
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa taageeray go'ankii Raysal wasaaraha Soomaaliya shaqo joojinta ugu sameeyay taliyahii hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin.

Golaha Musharaxiinta ayaa bogaadiyay talaabada uu Rooble shaqada kaga joojiyay Fahad Yaasiin, islamarkaana ku tilmaanay ineyd talaabo Cadaalad ay ku heli karto Marxuumad Ikraan Tahliil Faarax.

Warsaxafadeedka Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Midowga Musharaxiinta ay Raysal wasaaraha la garab taagan yihiin cadaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil iyo waliba soo celinta sumcada hay'adda NISA.

Hoos ka akhriso qoraalka Musharaxiinta soo saareen:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]